Burcad Badeeda oo gacanta ku dhigtay markab Greeka laga leeyahay.

Posted on Nov 23 2009 - 2:21pm by News Desk
Tweet
Pin It

burtqBartamaha(Cadan):-Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa gacanka ku dhigay markab laga leeyahay Dalka Greeka xilli uu marayay gacanka Cadan.

Sargaal u hadlay Ciidamada Badda Dowlada Yaman ayaa shaaca ka qaaday in Koox Burcad Badeed ah ay si gaadma ah u qabsadeen Markab laga leeyahay Greeka oo marayay biyaha dakada Balhaf Ee Dalka Yaman.

Markabka laga leeyahay Wadanka Greeka ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nuuca Xammuulka kaasi oo marayay biyaha gacanka Cadan.

Illaa haatan lama helin wax war ah oo ku aadan Kooxda Markabkaasi uu u gacan galay wallow la xaqiijiyay oo kaliya in markabka la qabsaday.

Howlgalada afduubka ayay dhawaanahan balaarayeen Burcada Biyaha Soomaaliya iyadoo haatan la haysto in ka badan 13-Markab oo Wadama kala duwan laga leeyahay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.