Burcad Badeed oo dalbatay 7-Milyan doolar Madax furasho ah si loo sii daayo lamaane British ah.

Posted on Oct 31 2009 - 9:19am by News Desk
Tweet
Pin It

burcBartamaha(Xarardheere):-Kooxaha Burcad Badeeda  gacanta ku haysa Lamaane British ah ayaa waxa ay markii ugu horeysay dalbadeen lacag Madax furasho ah si lo sii daayo Lamanaahaasi lagu hayo Xeebaha Soomaaliya.

C/nuur oo ah nin Burcad Badeeda u hadlay ayaa waxa uu sheegay in Lamaanahaasi ay sii daynayaan haddii laga helo Britain lacag dhan 7-Milyan oo Doolar si loo sii daayo Lamaanahaasi.

Ninkan Burcad Badeeda u hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay dhibaato dhalin karto haddii Britain ay isku daydo in ay awood ku furato Lamaanaha Ingiriiska u dhashay ee xiligan la geeyay Xeebaha Xarardheere.

Paul Chandler iyo Rachel Chandera ayaa xiligan waxaa la sheegay in ay Xaaladooda wanaagsantahay iyadoo ay ku suganyihiin Magaaladsa Xaradheere Xeebteeda halkaasi oo shalay la geeyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.