Bartamaha (Nairobi):-Saraakiisha ammaanka Wadanka Kenya ayaa u gacan galiyay Ugandha nin looga shakiyay abaabulka qaraxyadii ka dhacay Kampala.
Ninka ay qabteen Booliiska Kenya ayaa lagaciisa lagu sheegay Cali Ciise Ssenkumba kaasi oo gacanta u soo galay Booliiska maalintii Taladaada.
Ninkan ayaa waxaa muddo baaritaan ah ka dib waxaa la xaqiijiyay in loo gacan galiyay Dowlada Ugandha oo haatan la wado baaritaan la xiriira abaabulka qaraxyada oo looga shakiyay.
Ninkan haatan Booliiska Ugandha lagu wareejiyay ayaa la sheegayaa in uu ku sugnaa Nairobi waxaana la helay qoraalo iyo Telfono uu kula xiriiray Kampala taasi oo shakiga balaaran abuurtay.
Weli waxaa socanaya iskaashiga Dowlada Gobolka oo doonaya in ay ogaadaan qaabkii ay Islaamiyiinta u agaasimeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala oo weli saamayntooda ay taagantahay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
masha allaah waa good news ilaahow cirib tir kuwa diinta ku qaraabanaayaan amin amin
alshaab virus socdo waaye