Bisha barakaysan Bulshooy ixtiraama Belaayada jooja bilaah Calaykum

Posted on Aug 12 2010 - 8:23am by News Desk
Tweet
Pin It

ramadan-kareemmBartamaha (Nairobi):- Waxaan  ku bilaabayaa qoraalkayga alle bari iyo duco maadaama bishii barakaysnayd

Beri bilanayso ee ramaadaan waa bishii quraanku soo degay waa bishii danbi dhaafka

Waana bishii cibaadada ee loogu talo galay inaad ictikaaf iyo istiqfaar lagu dhamaysato

 

Rabiyoow naxariis

Roob da, oo dhulka qooya

Raxmadaada  nasii

Rarankeeda colaada

Raxmaanoow naga qaad

Rafaadkaan nagu raagayna

Risaaqoow naga qaad

Raasamaalka aduunyo

Raran baanu ka qaadnee

Raarta aakhiro eeboow

Ramaas noogu dhamee

Rug barwaaqo ka yeel

Soomaalidan rawaxa ah

Rabiyoow taladeenaa

Ruux wanaagsan u dhiib

Rag yaqaan allahooda

Ruuxna aan dhib u gaysan

Rajo fiican abuura

 

Aamiin aamiin aamin

 

Waxaa dhamaan dunida muslinka ahi isu diyaarisay bisha barakaysan  soomaaliyana ilaa bishii hore

Ilaa tan waxaa ka socda colaada iyo dagaalo aan ujeedo iyo meel loo raaco lahayn

Waxaa dhimayaa waagii beryaba shacab aan wax dhibaato ah u gaysan cidna

Waxaa dheef lagu raadiyaa iyo dhuuni dhiiga umada muslinka ah ee dhibaatadu haysatay

20ka sano waxaa had iyo jeer aad maqlaysaa niman taagan warbaahinta oo la baxay magacyo

Jeebkooda ah, gudoomiye, afhayeen, madaxweyne, wasiir, xildhibaan, amiir , iqb

 

Dhamaantood nin danaha umada soomaaliyeed wadaa kuma jiro waxay u heegan yihiin

Hawlahooda gaarka ah iyo hamigooda aduunyo siday ku hanan lahaayeen.

Waxay halgaadeen shacabkii, waxay hoosaasiyeen nabadii, waxay hadaan ka tuureen ubadkii

Waxay halbowlaha gooyeen  waalidkii dhalay waxay heereen walaalahood

Waxay hunguri ka galay, meel aan haboonayn  ilaahayoow soo hanuuni haduu u hadhay

Hadii kalena rabiyoow  gacan bira nagaga qabo.

 

Imisaa umad kibirtay sidii reer qoom luud, caad samuud, fircoon iyo  kuwo kale

Imisaa imtixaan ku dhacay reer israa,iil ilaahay ma mooga dhiilada iyo dhagarta iyo dhaawaca iyo dhimashada dadkiisa lagu hayo balse way dhamaan doontaa ee dhoohanoow maxaad fali doontaa

 

Muslinamada  maaha inaad umada dhibaatayso, disho xaqooda qaadato dulmido inaad cidhiidhi iyo gumaysi geliso, diinta islaamku waa nuur iyo iftiin iyo hanuun iyo habsamida nolosha waxa ugu haboon ee lagu dhaqmo , maaha wax dadka ka dhigayaa , dad cun iyo bahal , maaha wax umadaha aan islaamka ahayn lagu dhibaateeyo waa  wanaag ilaahaay ugu talo galay in lagugu daydo lagaana barto waxaana  diinta islaamka ku cad in aad umada nabad geliso afkaaga iyo adinkaaga

In axsaankaaga bato , inaad samayso tacaaduf iyo dabacsanaan badan si aad u hanato bulshada aan islaamka ahayn.

 

Anigu oo aan jeclayn inaan wax ka qoro ama ka faaloodo  mudona ka gaabsaday qoraalada siyaasada ayaan hada waxaan u bandhigayaa qolyaha  isku haysta dhiigmiirashada shacabka inay u naxariistaan  waxaa la gaadhay waqtigii aad dareemi lahaydeen dhibaatada haysata umada soomaaliyeed dibada iyo gudahaba  ee ku meel gaadh iyo mucaaradba waxaan odhan lahaa  dabka dhiga naga dhiga wada dhiga , waxaan qoraalkayga kusoo afjaryaa , heestan oo aan ugu magacdaray Mashaqo

 

Mashaqo hees

 

Maalintiyo habeenkii

Masiibada dalkaygu

Maatadiyo shacabkiyo

Masaakiinta haysee

Malaayiinta lagu dilo

 

Ma garbaa ma dawbaa

Ma waxaan mutaystaa

Miyaanan dalka lahayn

 

Kuwa madaxda sheegtiyo

Kam mucaaradaayoow

Mawlihiin ka yaaboo

Marastiyo ciyaalkiyo

Masaakiinta dhaafoo

Muslinimada dhawroo

Mar uun yeesha naxariis

 

Maydka aan la duugayn

Madfaciyo rasaastiyo

Miinaada  qarxaysiyo

Macaluusha taallee

Madhisaye dadkeenee

 

Ma garbaa ma dowbaa

Ma waxaan mutaystaa

Miyaanan dalka lahayn

 

Kuwa madaxda sheegtiyo

Kam mucaaradaayoow

Mawlihiin ka yaaboo

Marastiyo ciyaalkiyo

Masaakiinta dhaafoo

Muslinimada dhawroo

Mar uun yeesha naxariis

 

Maleeshiyiyo mooryaan

Mintid iyo muhaajiri

Inta midab xun oo idil

Marasta iyo maatada

Inay madaxa gooyaan

 

Ma garbaa ma dawbaa

Ma waxaan mutaystaa

Miyaananaan muslin ahayn

Kuwa madaxda sheegtiyo

Kam mucaaradaayoow

Mawlihiin ka yaaboo

Marastiyo ciyaalkiyo

Masaakiinta dhaafoo

Muslinimada dhawroo

Mar uun yeesha naxariis 

Waa Qalinkii iyo Hall-abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]