Beeraleyda Gobolka J/hoose oo ka cabanayo Raxan raxan Daayeero ah oo Weerar ku haya Dalagyadii ay beerteen.

Posted on Sep 7 2009 - 5:22pm by News Desk
Tweet
Pin It

dayeer

Beero falatada  Tuulooyin dhowr ah oo hoostaga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa cabsho xoogan ka muujiay daanyeero iyo doofaaro fara ba’an ku haya Dalagyada ay beertaan..

Cabashadaani xoogan ee ka soo yeertay dadka beeralayda ee ku nool tuulooyin badan oo ku yaal  Waqooyiga Magaalada Kismaayo ayaa timid kadib markii Daayeero iyo doofaaro raxan raxan u socda ay weeraro ku soo qaadeen dalagyada beeraleyda, taasoo keentay in dalag badan ay burburiyaan.

Qaar ka mid ah beeralayda oo u waramayay Bartamaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay ku hayaan daayeeradani raxanraxanta u socda ay yihiin kuwo sii xoogeysanaya islamarkaana ay ku soo beegmeen xilligii ay goosan lahaayeen dalagyadii ay beerteen maadaama mudo dheer ay u soo samreen tabcidda beerahooda oo hada ay u muuqato in la joogo xiligii ay goosan lahaayeen..

Sikastaba ha ahaatee beeraleyda ayaa ka codsatay Maamulka Islaamiga ee magaalada Kismaayo in ay wax kala qabtaan dhibaatooyinka soo wajahay Dadka beeraha ku leh deegaanada waqooyi ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Isha wararka Xaqiiqda ah kala Soco www.bartamaha.com

 Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia