Beelo ku dagaalamaya Gobolka Mudug iyo qasaara xoogan oo kala gaaray.

Posted on Feb 6 2010 - 2:21pm by News Desk
Tweet
Pin It

maleeshiyoBartamaha(Bacaadweyn):-Beelo wada dagan Gobolka Mudug ayaa ku dagaalamaya Deegaanka Bacaadweyn Ee Gobolkaasi iyadoo qasaara uu kala garay maleeshiyada labada dhinac.

Beelo wada daga Bacaadweyn ayaa ku dagaalamaya Deegaankaasi iyadoo shalay iyo saaka wararka laga helaayo ay sheegayaan in dhimashadsa ay sii dhaafayso 10-qof dhaawacana uu ka badanyahay 20-kale.

Dagaalka Labada Beelood u dhexeeya ayaa noqday iyadoo ay isku hayaan dhul daaqsin iyo ceel biyood muran uu ka bilowdayu ka dibna dagaal beel isku badalay.

Dagaalka ayaa weli socanaya iyadoo aanay jirin cid u dhaqaaqday kal;a joojinta rasaasta ay ishdaafsanayaan maleeshiyada labada bee lee ku dagaalamaysa Deegaanka Bacaadweyn.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.