Bartamaha (Nairobi):- Xaflad balaaran oo maanta ka dhacay Hotel ku yaala Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya ayaa looga dhawaaqay “Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Hiiraanâ€.
Ka dib kulamo xiriir ah oo muddo ka socanayay Magaalada Nairobi iyo dalal kale oo Caalamka ah ayaa maanta natiijadooda ay noqotay dhismaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Hiiraan.
Kulanka oo ay goob jog ka ahaayeen Beelaha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo dhmmaan ay hadal ka wada jeediyeen ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Mudane Maxamuud Axmed Cabdulle “M.A.Gaabâ€.
Dhammana Beelaha dagan Gobolka Hiiraan oo joogay shirarka dhacayay ayaa waxa ay maanta fagaaraha ka sheegeen in ay isku raacsanyihiin doorashada Mudane Maxamuud Gaab.
Masuulka maanta la doortay oo ku dhashay Gobolka Hiiraan kana soo jeeda Gobolkaasi oo Khudbad u jeediyay Salaadiinta,Ugaasyada,Aqoonyahanada,Waxgaradka iyo Siyaasinyiinta Beelaha dagan Hiiraan oo doortay ayaa balan ku qaaday in uu Howlgalinayo maamulka Dowlad Goboleedka Hiiraan Soomaalia.
Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Goboleedka Hiiraan Mudane Maxamuud Axmed Gaab ayaa doorashadiisa ka dib waxa uu magacaabay ku xigeenkiisa Koowaad oo uu u doortay Col.Isxaaq Cali Cabdulle oo ka soo jeeda Gobolkaasi Hiiraan.
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxa ay labadaba sacab iyo taageera culus kala kulmeen Dhammaan waxgaradka,Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta ka qeybgalayay shirkii maanta lagu doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan.
Munaasabada ayaa ku soo gabagabowday jawi daganaansho ah iyadoo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hiiraan oo dhawaan faahfaahin guud ka bixin doono qaabka uu u dhisayo Dowlada Goboleedka Hiiraan.
Daawo Sawirada:-
Abdirizak Kampala
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Job well done Reer Hiiraan.
Scw Wrb. Ramadaan Kariim !!
marka hore dhamaantiin walaalaha islaamka ah hambalyo bisha barakaaysan!! …marka xiga Hadii aay wligeedba jirtey war lagu farxo. ama war aad u wanaagsan oo weligeedba aay qowmiyadi sugeeysey inaay gaarto ama maqasho ama tiigsato…waxaan oran lahaa maanta ayaay tim id warkii wanaagsanaa ee weligeed umadi jecleeyd inaay gaarto ama maqasho!!! Finally waxaa dilaacay waa cusub .una dilaacay reer hiiraan!!! Waxaa dhashay dowladii ugu horeeyey taariikhda ee Hiiraan-State ee ka tirsan dalka soomaliya. Waxaan u arkaa anigu hadaan ahay muwaadin u dhashay Dalka Hiiraan-state inaan ku talaabsanay Dowlad gaar ah oo ku dhaqmeeso shareecada islaamaka kana madaxbanaan dowladaha hada ka jira Dalka soomaliya. . waxaan u soo jeedin lahaa dowlada cusub iyo madaxweeyne Mudane Maxamuud Axmed Cabdulle inshalaah in allah la garab galo masuuliyada Dowlada hiiraan state inshalah asaga iyo wasiisradiisa, si deg deg ahna baarlamaanku u howlgalo inshalah! Waxaan kaloo u soojeedin lahaa 5 qodob oo muhiim ah
A= In uu amniga si deg deg ah wax uga bedelo isagoo la kaashanaayo wadahadalo nabadeed iyo isu tanaasulaad iyo wadashaqeeyn daacad ah inuu la sameeyo ciidamada amniga ee iminka haya gobolka , isla markaana uu balaarsho wada tashiga iyo dulqaadka
B= In uu markale se deg deg ah isugu keeno dhamaan odayaasha beelaha dega gobolada aay ka koobantahay Hiiraan-state, si eey u wadaan wada shaqeeynta iyo kala danbeeynta dowladnimo, iyo inaay iska cafiyaan taariiqdii hore ee la soo dhaafay
C= In gudi si deg deg ah loo sameeyo ..kaasoo la xisaabtama dakhliga iyo dhaqaalaha Dalka, isla markaana kormeeraha ila dhaqaalaha iyo xisaabiyayaashaba .
D= In ciidamada Dowlada Hiiraan-State la mideeyo loona sameeyo miisaaniyad isla markaana la howl geliyo, iyagaa ka howl galaayo gudaha dowlada Hiiraan-state amnigeeda iyo adkeeynta xuduudaheeda. iyo dhamaan in la soo xiro xuduudaha dalka hiiraan.
E= In Muwaadiniinta Reer Hiiraan ee Diasporaha ah, Dibada ku nol lal sameeyo Xafiis aay leedahay Dowlada Hiiraan-state kaasoo ka howlgalaayo LONDON (UK) iyo MINIAPOLIS ee dalka (usa). Isla markaana la sameeyo xafiisyo caalami ah sid aethopia, kenya, ugandha, southafrica, masar, libya, sudan, sucuudiga, holland, Uk, Grmany, Italy, Sweden, Denmark, USA, CANADA AURALIA
INSHALAAH…TAKLOOYINKAAS AYAAN MADAXWEEYNEHEENA U SOO JEDINLAHA AINSHALAAH
ANAGANA WAAN LA SHAQEEYNEEYNAA INSHAAH
guuuuuuuul…..dowlada Hiiraan-state!!
HAMBALIYO MUDANE MADEXWEYNE
Guul reer Hiiraan iyo umadda muslimiinta meelkasta ayjogaan , ilaahay ayaa mahad iskaleh nakhalqay cirka tiirlaan taagay ilaahayna cadawgaayna dhulka hakudaro aamiin
WAXAN U HAMBALYEEYNAA MAAMUL GOBOLEEDKA HIIRAAN STATE RUNTII WAA WAXA LAGU FARXO MAANTA IN AY SUURTA GASHAY ARINTII UU KEENAY WALAALKEEN CABDIKARIIM FARAX LAQANYO ALLA HA U NAXARIISTO OO LAHAA FIKIRNAAN BILOWGIISA GEES DADKIISA U DHINTAY AYUU AHAA REER HIIRAAN KUMA ILOOBIN ADIGA IYO CUMAR XAASHI AADAN MAMULKA HADA HIIRAAN SATE HA GUULEYSTO MADAXWEYNE MAXAMUUD CABDI GAAB SALAAN AYAAN KUU SOO DIREYNAA IYO DUCO VIVA BARTAMHA :COM
waxan marka hore hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shacabka rer hiiraan meelkasta oo ay dunida ka joogaan ,sidookale waxan hambalyo u dirayaa madaxweynaha iyo ku xigenkiisa waxana leeyahay waxa idin sugayo how culus ee ilaahey ha idinla garab galo,shacab weynaha rer hiiraan waa idin garab taaganyiin ,marka laga reebo kuwa lagu shaqeysto ama lagu adeegto ee danaha gaarka ah lagu fulsado,waxan ugu baaqayaa shacabka rer hiiraan inay gacmaha is qabsadaan ugana wada tashtaan aayahooda , si dhab ah ,si looga baxo colaadaha tirada badan ,islamarkasne loo helo jawi amni ama loo abuuro jawi nabad galyo si bulshada rer hiiraan nabad barwaaqo bash bash ugu noolaadaan.waxan leeyahay madaxweynaha iyo ku xigenkiisa inay gacan bir ah ku qabtaan gobolkaas una soo magacaabaan dad ku fir fircon shaqada ay qabanayaan .wabilaahi towfiiq
tani waa ka dar oo dibi dhal. waa jugjug meeshaadii joog . waana guul ka mid ah guulihii cadowgeenu inbadan ku taamaayey oo maanta u hirgashey aniga waxaan u arkaa wax ey soo saa idineyso in eysan jirin. ilaa in ey shucuurta dhalenyarada somaliyeed ee ciilka iyo caloolxumada laseexan la, ee faceed ka hartey ee aan aduunka maanta la tartamikarin oo aan kaftami karin ey kusiinoqoto boogkale oo horle
raq la qalay raqdeedaa
lagu soo qamaamoo
somalia oo ay ku sii badanayso kala goynta iyo gobol magac u yaal qarankii somalia ee sida geedka hadhka weyn loo hadhsan jiray goormaa la heli anigu kama soo horjeedo da nidaam iyo kala danbayn samaysta waana bilawga horumarkalaakiiin waxaan la yaabaa maamulo magac u yaal oo aan manfac u lahayn somalida sia
puntlan
somaliland
ximan iyo xeeb
galmudug
waax iyo waadi
juba land
bay land
iyo qaar kaloo badan goormaa la heli somali weyn xarunteeu tahay HERER
wan ogahay somaliya in la kala qeybiyo ma fiicno.. lakiin midaan ma ahan mid reer hiiraan eey isaga bixinaayaan soomaaliya. waa maamul loo baahan yahay maadaama eey dowlad wax tareyso la waayay 20 sano. Waxaan rajeynaa in midaan eey noqon doonto dowlad ku dadaaleysa sida eey u sugi laheeyd nabada gobolka hiiraan oo na wax u tari doonto shacabka reer hiiraan, kana shaqeeyn doonto tageerista dowlad sare ee wadanka somalia.
HAMBALYO IYO BOGAADIN AYAAN U SOO JRRDINAYAA INTA SHAQADAAN QABATAY WAANA KU FARAXSANAHAY IN AAN MAQLO HIIRAAN STATE OWGUURIYO WAAN LEEYAHAY MADAXWAYNAHA SHAQAO WANAAGSAN AYAAN KUU RAJAYNAA …..
SOMALIYA SIDAAN BAY SOMALI KU NOQON DOONTAA NIN WALBA IYO GOBOLKIISA NABADA HA SUGAAN
HANA LAGU DAYDO GOBOLADA HORAY U SAMEEYAY SIDA SOMALILAND/ PUNTLAND
waxaan soo dhaweeynayaa maamulka looga dhawaaqay hiiraan waxaanan leeyahay ha noqdo kii lagu nastee lagu nagaado. madaxda maamulkaas loo doortayna waxaan leeyahay ku maamula umadaas idindooratay xaqa uguna adeega sida xaqa ah waana idiinku duceeynay inuu ilaaha weeyn xilkaas idinku asturo…aamiin.