Barakacayaasha ku dhaqan deegaanka Dibida oo ammaan u jeediyay hay’ada Danish oo gurmad la gaartay iyagoo dhaleeceen u jeediyay hay’adaha qaar(Daawo Sawirada).

Posted on Nov 12 2009 - 6:29am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC09115Bartamaha(Muqdisho):-Barakacayaasha ku dhaqan Xearada Dibida Duleedka Woqooyi Ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn ugu mahad celiyay hay’ada Danish oo dhawaan gurmad muuqda u samaysay.

Dadka Barakacayaasha eek u dhaqan Deegaanka Dibida ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay ammaan buuxda u jeediyeen hay’ada Danish oo ay sheegeen in ay gargaar la soo gaartay .

Abuukar Sheekh Cali wax uu ka mid yahay horjoogayaasha Xerada Barakacayaasha Dibida iyagoo sheegay in Hay’da DRC”Danish”ay dhawaan u dhistay Musqulo soona gaarsiiyay Gogol,Maacuun,Bustayaal,Bacaha roobka islamarkaana ay u balan qaaday in ay gurmad u samayn doonto Cuuryaamiinta,Agoonta iyo dadka liita.

Dhanka kale C/laahi Axmed Sheekh oo ka mida Madaxda Xerada Barakacayaasha ayaa waxa uu sheegay in dhammaan qaxootiga ay ku faraxsanyihiin balan qaadka hay’ada Danish iyo waxqabadkeeda hore.

Qaar ka mida Barakacayaasha oo aynu Micarphonka la dhexqaadnay ayaa waxa ay si diiran u soo dhaweeyeen wax qabadka hay’ada iyo qaabka shaqada ay u wadaan.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Dibida ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in ay ka xunyihiin hay’adaha WFP,ICRC iyo Saacid oo indhaha ka qabsaday dhibaatada dadkan nolosha ka haysata.

Deegaanka waxaa ku nool Barakacayaashii ugu badnaa ee isaga cararay dagaaladii ka dhacay Muqdisho bishii Jun sanadkan kuwaasi oo miciin biday in ay halkaasi ku noolaadaan.

Balan qaadka DRC”Danisha” ay u balan qaaday Waayeelada,Agoonta,Cuuryaamiinta ayaa waxa ay sheegeen Barakacayaasha in ay ka wardhowrayaan.

Dadka dhibanayaasha Barakaca ku jira ayaa waxa ay ugu baaqeen hay’adaha gargaarka in ay indhahooda u soo weeciyaan deegaanka Dibida oo dhibaato xagga nolosha ah ay ka taagantahay iyagoo si gaar ah ugu mahad celiyay hay’ada Danish oo gacan muuqata dhawaan u fidisay.

 DSC09099

DSC09071

DSC09064

DSC09113

DSC09117

DSC09073

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.