Barakacayaasha ku dhaqan Magaalada Balad-Weyne oo dhibaato xagga nolosha ah ay la soo derestay.

Posted on Nov 13 2009 - 9:13am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC09067Bartamaha(Balad-Weyne):-Barakacayaasha ku dhaqan xeryaha Magaalada B/Weyne ayaa waxaa la soo derstay dhibaato xagga nolosha ah.

Qaar ka mida dadka ku barakacsan B/Weyne ayaa waxa ay shegeen in ay dhibaato xoogan oo xagga nolosha ah ay haystao taasi oo timid ka dib gargaar la’aan soo wajahday.

Inta badan dadka ku dhaqan Balad-Weyne ayaa waxaa ku dhacay walaahow xoogan ka dib markii ay dagaalo ka dul dheceen xiliya kala duwan.

Ma jiro wax hay’ad samafal ah oo halkaasi gurmad la gaartay iyadoo dadka barakacayaasha ah ay noloshooda tahay mid aad u liidata iyagoo ka codsaday hay’adaha gargaarka in ay gacan u fidiyaan dhibanayaashaasi..

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.