Bartamaha(Muqdisho):-Dadka ku dhaqan deegaanada lagu barakacay ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xunyihiin dhibaatooyinka ay geysanayaan dagaalada ka sii socvda caasimada Mujqdisho.
Barakacayaasha ku dhaqan inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegay in ay si weyn uga walaacsanyihiin dagaalada iyo duqeymaha welli ka jira Muqdisho kuwaasi oo ay tilmaameen in ay sababayaan burburka guryihii ay ka soo carareen .
Barakacayaasha ayaa sheegay in inta badan madaafiicda ay ku dhacaan xaafadaha ay ka soo barabexeen taasi oo keenta burburka dhismayaashooda oo sahasha in kooxaha burcada ah ay si fudud u galaan guryaha.
Madaafiicda maalin waliba la isku dhaafsado Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood waxa ay ku dhacaan guryaha jiingadaha ka samaysan taasi oo keenta bur-bur xoogan iyado ay ka faa’iidaystaan kooxo burcad ah oo ka qowleysta xaafadaha laga barkacay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â