Bartamaha(Muqdisho):-Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxaa ka bilowday Barakicii ugu balaarnaa ka dib markii ay sii kordheen weerarada iyo dagaalada ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Degmooyinka Kaaraan,Shibis,Howl-Wadaag,Hodon iyo gobo kale ayaa maanta waxaa ka socanayay barakicii ugu balaarnaa ka gadaal markii dagaalada Magaalada ay noqdeen kuwa wejiya badan yeeshay.
Dadka magaalada isaga Barakaya ayaa intooda badan waxa ay magaalada uga baxayaan wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo ay xaalada nolosho caadi ay caadi tahay .
Caasimada ayaa xiligan noqonaysa Magaalada haawanaysa inteeda badan maadaama degmooyinka ugu badan xiligan ay yihiin kuwa cidla ah iyadoo shacabka ay deegaan ahaan ku koobanyihiin Wadajir ,x/jajab iyo X/Weyne halkaasi oo magaalada aan laga wixin wallow degmooyinkaasi ay samayn ku yeeshaan Madaafiicda lagu tuurayo Dakada,Garoonka iyo Xarunta Baarlamanka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.