Bankigii Al-Barakaad Sweden oo laga saaray Liiska Madow ka dib 8-Sano oo hanti ay ku xayirnayd.

Posted on Oct 27 2009 - 9:02am by News Desk
Tweet
Pin It

barakadBartamaha(Stockholm):-Qaramada Midoobe ayaa liiska Madaow ka tirtay Bankiga Al-Barakaad qeybtiisa Sweden oo xaiyaar la saaray ka dib qaraxyadii ka dhacay Magaalada New York.

Bankiga A-Barakaad qeybtiisa Sweden ayaa laga saaray liiska Madow ee lagu qoro argagixidada oo muddo 8-sano ah uu liiskasi bangiga uu ku dhignaa sidaasina loo xanibay.

Qareenka Bankiga Al-Barakaad Thomas Olsson ayaa shaaca ka qaaday in uu ku faraxsanyahay xanibaada laga qaaday bankiga uu in mudda ah sheegayay in qalad lagu haysto.

Thomas Olsson qareenka ayaa waxa uu sheegay in ay rajjo ka qabaan in guud la fasaxo lacago malyan ka badan oo ku xaniban Xawaaladaha Al-Barakaad iyo guud ahaan Bankiyada Al-Barakaad.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.