Bandow xalay lagu soo rogay Deegaano Luuq Ee Gobolka Gedo iyo Maamulka Deegaankaasi oo Haweenka ugu baaqay in ay Xijaabka qataan.

Posted on Jun 30 2009 - 9:22am by News Desk
Tweet
Pin It

bandowBartamaha(Muqdisho):-Maamulka Xizbul Islaam Ee Deegaanka Luuq ayaa xalay si rasmi ah u dhaqan galiyay Bandow ay shalay shaaciyeen in ay saarayaan Deegaanada hoosyimaada Deegaankaasi.

Ciidamada Kooxda Xizbul Islaam Ee Luuq ayaa la arkayay iyagoo xalay fiidkii hore dadka deegaanadaasi ku amraya in ay ku xaroodaan guryahooda taasi oo ka danbaysay amar shalay ay soo saareen Saraakiisha hoggaanka u ah Xizbul Islaam Gobolka Gedo.

Xalay 9-Fiidnimo ayaa waxaa si rasmi ah u dhaqangalay bandowgii lagu soo rogay Degaanka Luuq Ee Gobolka Gedo halkaasi oo ammaanka ay sugayeen Ciidamada Xizbul Islaam Ee Gobolkaasi.

Maamulka Deegaankaasi Luuq ayaa sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Haweenka Deegaanadaasi in ay Xijaabka xertaan isla mar’ahaantaana ay is asturaan taasi oo ay ku farayeen amarkaasi gawaari lagu soo xeray cod baahiyayaal.

Maamulka Degmadaasi Luuq ayaa markii ugu horeysay waxa ay farayeen in laga qeybqaato sugidda nabadgalyada Deegaanadaasi  iyagoo howlo ammaanka wax looga qabanayo ka sameeyay tuulooyinka hoosyimaada Luuq kuwaasi oo dhibata xagga ammaanka ah ay ka jirtay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â