Bandow xalay lagu soo rogay Deegaanka Guri-Ceel Ee Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo falal ammaan daro maalmihii la soo dhaafay ay ka taagnayd.

Posted on Jul 17 2009 - 7:55am by News Desk
Tweet
Pin It

Ahlu_SunnaBartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alhu-Sunnah Wal-Jamaaca ee gacanta ku haysa Deegaanka Guri-Ceel ayaa xalay bandow ku soo rogtay halkaasi xilli habeen hore bam gacmeed lagu weeraray guri uu daganaa sargaal ka mida Koxdaasi.

Bandowgan xalay lagu soo rogay deegaanka Guri-ceel ayaa ahaa mid ay dhaqan galiyeen Ciidamada Kooxdaasi oo xalay dadka ku amrayay in ay guryahooda ku xaroodaan.

Xilliga bandowga uu bilaabanayay oo ahayd 8:00-Fiidnimo ayaa waxaa gabi ahaanba la xeray goobihii ganacsiga ee gudaha magaaladaasi iyadoo dadku ay noqdeen kuwa guryahooda baneeyay xilli hore oo xalay ah.

Wadooyinka ayaa lagu arkayay ciidamada kooxdaasi kuwaasi oo dadka ku amrayay in ay xaroodaan isla mar’ahaanataana ay ka qeyb-qaataan sugidda nabad galyada Deegaanadooda.

Bandowgii xalay inta uu socday ayaa Ciidamada koxdaasi waxa ay soo qab-qabteen rag lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen qaraxii habeen hore ka dhacay gudaha deegaankaasi iyo waraaqo digniin ah oo halkaasi lagu daadiyay.

Saraakiil ka tirsan kooxda Ahlu-sunnah Wal-Jamaaca ayaa waxa ay sheegeen in ay xukuno ku ridi doonaan ragga lagu tuhmay falalka ammaan darada ee maalmahan ku soo kordhay Deegaanadaasi baaritaanana ay ku samaynayaan dadka lagu qabtay howlgalada.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.