Bandow Xalay lagu soo rogay Balad-Weyne iyo Ammaanka Magaalada oo la adkeeyay.

Posted on Sep 29 2009 - 9:51am by News Desk
Tweet
Pin It

hiiraan-map-300x225Bartamaha(Balad-Weyne):-Saraakiisha Dowlada Ee la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Balad-Weyne ayaa xalay bandow ku soo rogay Magaaladaasi iyadoo saaka ammaanka aad loo adkeeyay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Balad-Weyne ayaa sheegaya in halkaasi xalay laga dhaqan galiyay Bandow ka dib markii shalay galinkii hore ammaanka Magaalada ay la wareegeen Ciidamada Dowlada.

Bandowga ayaa si buuxda Xalay uga dhaqangalay Magaalada Balad-Weyne iyadoo Ciidamada Dowlada ay bilaabeen in ay adkeeyaan ammaanka guud Ee Magaaladaasi oo fiidnimadii hore ay ciidamada wadooyinka xereen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.