Bandow Xalay ka dhaqangalay Magaalada B/Weyne ka dib la wareegidii Ciidamada Dowlada Galbeedka Magaaladaasi.

Posted on Jul 28 2009 - 7:17am by News Desk
Tweet
Pin It

balad-weyne2Bartamaha(B/Weyne):-Maamulka Dowlada Fd soomaaliya Ee Magaalada Baladweyne ayaa xalay waxa ay si rasmi ah u dhaqan galiyeen bandow shalay la shaaciyay oo lagu soo rogay Magaalada Baladweyne.

Bandowgan oo bilowday shalay 5:00-Galabnimo ayaa la xaqiijiyay in uu si rasmi ah uga dhaqan galay guud ahaan Magaalada iyadoo la xeray dhammaan mehradihii ganacsiga Ee wadooyinka waawayn baladweyne.

Ciidamada dowlada ayaa waxa ay magaalada ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan kuwaasi oo ay ku dhexmarayeen Wadooyinka Magaaladaasi iyadoo la maqlayay rasaas aan la ogayn cidda isdhaafsanaysay.

Ma jirin wax bandow ah oo ka jiray gudaha Xaafadaha Balad-weyne iyadoo Ciidamada dowlada aanay ku dhiiran dhexjiirida wadooyinka yar-yar Ee xaafadaha balse waxa ay gabi ahaanba bandowga ka dhaqan galiyeen dhammaan wadooyinka Laamiga ah iyo kuwa Mehradaha ay ka furanyihiin Ee Baladweyne.

Saaka aroortii hore abaara 6:00—dii ayaa waxaa dib u bilowday dhaqdhaqaaqa Magaalada iyadoo Ciidamada Dowlada ay baneyeen dhammaan goobihii xalay ay bandowga ka wadeen .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.