Bandow Xalay ka dhaqan galay Magaalada Boosaaso iyo Ammaanka Puntland oo la adkeeyay.

Posted on Nov 13 2009 - 9:18am by News Desk
Tweet
Pin It

boosaasoBartamaha(Boosaaso):-Magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa xalay si rasmi ah uga dhaqan galay bandow lagu soo rogay halkaasi ka dib dil habeen hore ka dhacay.

 

Ciidamada ammaanka  ayaa xalay magaalada soo buuxiyya iyagoo si gaar ah ula socday dhaqan galk bandow xalay la saaray Magaalada Boosaaso oo dhibaato xagga ammaanka ah ay ka jirtay.

Ammaanka ayaa xalay ahaa mid ka wanaagsan habeenadii la soo dhaafay iyadoo aanay jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo dadka magaalada ay samaynayeen maadaama ammaanka la adkeeyay.

Dhanka kale guud ahan Magaalooyinka Puntland ayaa waxaa xalay la dhigay ciidamo badan oo la socanaya xaalada dhaqdhaqaaqa dhalinyarada iyagoo si gaar ah baaritaano ugu samaynayay dadka laga shakiyo.

Habeenadii la soo dhaafay ammaanka guud ee Magalooyinka Puntland ayaa waxa uu ahaa mid ka sii darayay ka dib markii Kooxo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka abaabuleen inta badan Magaalooyinka Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.