Bandow Xalay ka dhaqan galay guud ahaan Magaalada Balad-Weyne.

Posted on Oct 2 2009 - 8:19am by News Desk
Tweet
Pin It

hiiraan-map-300x225Bartamaha(Balad-Weyne):-Bandow ay soo rogeen Saraakiisha Xizbul Islaam ayaa xalay ka dhaqan galay guud ahaan Magaalada Balad-Weyne.

 

Ciidamada Xizbul Islaam ayaa xalay fiidnimadii hore lagu soo daadiyay wadooyinka Magaalada Balad-Weyne kuwaasi oo bilaabay in ay dadku ku amraan in ay guryahooda ku xaroodaan.

Qaar ka mida dad dagan Magaalada Balad-Weyne ayaa waxa ay www.Bartamaha.Com u sheegen in magaalada rasaas xalay laga maqlayay taasi oo cabsi ku beertay shacabka Magaalada.

Ma jirin cid dhaqdhaqaaq samayn kartay xalay tirade Ciidamada Magaalada lagu soo daadiyay awogeed kuwaasi oo mararka qaar rasaas iskood hawada u ridayay.

Saraakiil u hadashay Xizbul Islaam ayaa saaka waxa ay sheegeen in magaalada xalay bandowga uu si wanaagsan uga dhaqan galay islamarkaana aanay jirin cid ku xadgudubtay oo xalay la qabtay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.