Bandow Xalay ka dhaqan galay Baladweyne iyo Xaalada oo saaka dagan.

Posted on Jan 23 2010 - 8:19am by News Desk
Tweet
Pin It

BeledweyneBartamaha(B/Weyne):-Xaalada guud Ee  Magaalada Baladweyne ayaa saaka xasiloon iyadoo Xalay Magaaladaasi uu ka dhaqan galay Bandow ay ku soo rogeen Kooxda Alshabaab.

Bandow ayaa waxa uu si rasmi ah uga dhaqan galay guud ahaan Magaalada Baladweyne oo shalay ay dagaal kula wareegeen Kooxda ALshabaab iyo Xizbul Islaam oo iskaabayay.

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid qasaara badan geystay iyadoo magaalada madaafiic badan lagu garaacay inta aanu dagaalka ka bilaabay xaalafadaha bari ee Magaaladaasi.

Saaka xaalada waxa ay tahay mid dagan iyadoo inta badan magaalada ay gacanta ku hayaan Koxda Alshabaab oo ciidan badan shalay dagaalka galisay taasi oo lagu arkayay guud ahaan Wadoioyinka Magaaladaasi.

Ciidamada Ahlu sunnah iyo kuwa Dowlada ayaa waxa ay ku suganyihiin duleedka Baladweyne kuwaasi oo mararka qaar rasaas u soo ridaya dhinaca Magaalada Baladweyne taasi oo muujinaysa in xaalada ay tahay mid aan la isku halayn Karin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.