Bartamaha (Boorama):- Banaanbaxayaal caraysan ayaa maanta lagu dhex rasaaseeyay gudaha Magaalada Boorama ka dib markii banaanbax rabashad watay uu maanta ka dhacay deegaankaasi.
Banaanbaxa ayaa yimid ka dib markii Ciidanka Ammanka ay xerxereen Darawalo lagu tuhmay in ay ahaayeen wadayaashii gaadiidka ay ku soo galeen dalka Koox lagu qiyaasay in ay ahaayeen Jabhada ONLF.
Warar soo baxay ayaa waxa ay sheegeen in darawalada la xerxeray loo gudbinayo Dowlada Ethiopia kaasi oo sabab ka dhigay in dadka ay banaanbax sameeyaan si ay u muujiyaan diidamada xariga dadkaasi.
Dad caraysan oo isku soo baxay duhurnimadii maanta ayaa waxa ay sameeyeen dhagaxtuur iyagoo dhagaxto ku halgaadayay Ciidanka iyo saldhiga lagu xerxeray darawalada reer Awdal ah oo loo haysto Ciidanka ay soo galiyeen.
Ciidanka ayaa bilaabay in ay rasaas la beegsadaan dadka rayidka ah markii ay waayeen qaab ay uga fursadaan shacabka banaanbaxayay oo dhagxaan ku tuurayay saldhigyada Ciidanka Dowlada Ee Gobolka Awdal.
Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay ka dib banaanbaxa rabashada watay waxaana jiray dad isbitaal loo dhigay rasaastii Ciidanka ay ku fureen shacabka dibad baxa dhigayay wallow weli shacabka ay ka caraysan yihiin xariga Darawalada iyo rasaasta maanta oo weji kale abuuri karta
wixii soo kordha www.Bartamaha.Com kala jaan qaad insha allaah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika
dadka banaabaxay waxaan leeyahay ha isdajiyeen meesha waa meel dowladi ka jirto ma ahan in ciidan iska soo galo wadanak taasna masuuliyadeeda dowlada aya iska leh mrkaa shqada ha loo daayo dowlada tan kale dowlada waxaan leeyahay waar wixii danbi gala idinka xukunkiiisa marsiiya hana u gudbinana dowlada kale madama ay ka dhasheen degaanka…
@cawil ali kkkkkk ma qabiil iyo hogaamiye beeleed ayaad leedahay meesha dowlad ayaa ka jirto isaaqland hadii dowlad ay noqoto ama somaloiya ay ka go do waxaa balan ah in degaankeyga ama degmada aan ka dhigaa dowlad madama hal qabiil gobol kunool uu leeyahay waa dowlad sxb somaliya somali baaleh ogow somaliya 2 uma qeebsanto hadaa amxaar daba dhilif utahayne ogow inaad ciida ka hoos mareesid
kan ad arkeysan e qoriga sita sida uu u egyahay kas oo miiraan baa somalia qoryaha sita soo wad iska garan kareysan dadkaa ku nool mesha la oran jirey somaliana sida ay yihiin xaalkooda