Bartamaha(Xudur):-Banaanbax balaaran oo roobdoon ah ayaa maanta ka dhacay Deegaano ka mida Gobolka Bakool halkaasi oo abaar balaaran ay ku dhifatay dhawaanahan.
Banaanbaxa ayaa la soo sheegayaa in uu ka kala dhacay tuulooyinka hoosyimaada Gobolka Bakool oo Xarakada Alshabaab ay uga dhawaaqday in laga sameeyo banaanbax wada jir ah.
Banaanbaxayaasha ayaa waxa ay isugu soo urureen faraaga ku yaala Xudur halkaasi oo lkoogu duceeyay in Allaah uu roob keeno si abaarta deegaanada Gobolkaasi ku dhifatay looga samata baxo.
Dhawaanahan ayaa Gobolada Bay iyo Bakool laga soo sheegayay abaaro baahsan kuwaasi oo dad iyo duunyo badan ay abaarta ku laysay deegaano ka mida Gobolkaasi Bakool.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.