Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Qaraxyo Bambaano ayaa Xalay lagu weeraray xarun ay shirk u lahaayeen Saraakiisha Ahlu-Sunnah iyo Maamulka Gal-Mudug.
Illaa 2-qarax ayaa lagu tuuray Xarunta ay shirka ku lahaayeen Madaxda Ahlu-Sunnah Koonfurta Gaal-Kacyo iyadoo la sheegay in waxyeela ay geysteen qaraxyadaasi.
Qaraxyada ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen illaa 3-ruux oo rayid ah sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadalashay Maamulka Gal-Mudug.
Ragga qaraxyadaasi fuliyay ayaa goobta isaga cararay ka dib markii ay bam la beegsadeen goobta ay ku shirayeen Madaxda Ahlu-Sunnah oo qaraxyadaasi ka badbaaday.
Dhawaanahan Magaalada Gaal-Kacyo labadeeda dhinac ammaan ahaan waxa uu ahaa mid aad u liitay ka dib markii ay ku soo bateen Koox qaraxyo iyo dilal ka geysanaysa Magaaladaasi oo ay kala maamulaan Puntland iyo Gal-Mudug.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.