Baladweyne oo Barakac uu ka bilowday iyo dagaalka oo galay maalintii Afaraad.

Posted on Jan 13 2010 - 7:48am by News Desk
Tweet
Pin It

barakac2_muqBartamaha(Balad-Weyne):-Magaalada baladweyne ayaa maanta waxaa laga dareemayaa barakicii ugu balaarnaa ka dib dagaalka magaaladaasi oo lagu kla adkan waayay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in magaaladaasi uu dagaalka maanta glay maalintii 4-aad iyadoo dadka magaalada ay isaga cararayaan.

Xaalada ayaa weli kacsan iyadoo rasaas culus ay ka socanayso xaafadaha u dhexeeya Buundada Liiq-Liiqato iyo Buundaweyne oo ah halka magaalada ay ku kala noqoto Galbeed iyo  Woqooyi.

Barakac balaaran ayaa waxa uu ka socanayaa dhamman Xaafadaha Magaaladaasi iyadoo dadka ay u muuqdaan kuwa u adkeysan waayay dagaalka marba koox ay ku awooda roonaanayso.

Magaalada labadeeda dhinac waxaa gaaraya rasaasta ay isweydaarsanayaan Kooxaha Xizbul Islaam iyo Ahlu Sunnah oo maalintii afaraad isku haya gacan ku haynta Baladweyne.

Wixii warar ah eek u soo kordha xaalada baladweyne www.Bartamaha.Com kala soco Insha Allah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.