Bartamaha (Muqdisho):- Madaafiic xoog badan ayaa maanta lagu garaacay xaafada ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha iyo gudaha suuqaasi oo shacab badan ay ku dhamaadeen.
Madaafiicda oo dhammaan ka soo dhacayay Villa Somalia ayaa waxa ay sida roobka oo kale uga da’ayeen xaafadaha Degmooyinka Wardhiigley,Howl-wadaag,Hodon iyo Degmada Yaaqshiid.
Xooga Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhaceen Suuqa Bakaaraha waxaana halkaasi ku dhamaaday dad maata ah oo aan waxba galabsan markii Xoogaga Islaamiga ah ay madaafiic u tuureen dhanka Madaxtooyada.
Madaafiicda Suuqa Bakaaraha lagu garaacay ayaa waxa ay dhaliyeen dhimashada in ka badan 17-ruux halka 50-kale oo dhammaan rayid u badan ay ku dhaawacmeen markii Hoobiyayaasha ku dhacayay bakaaraha ay xadiga ka bexeen.
Dhinaca Degmada Xamarweyne oo meelo ka mida maanta uu marayay madaxweyne Shariif ayaa la garaacay waxaana ku dhamaaday dad rayid ah iyadoo in ka badan 4-ruux ay ku dhinteen xaafada Via Roma.
Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay waxaana la daad gureeyay dhaawacyada sida Muuqaalaha www.Bartamaha.Com ka soo qaaday gudaha Suuqa Bakaaraha ay muujinayaan.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika