Baarlamanka Puntland oo shaaca ka qaaday in ay xal u waayeen Tahriibayaasha iyo Burcad Badeeda Soomaaliya.

Posted on Jun 30 2009 - 7:42am by News Desk
Tweet
Pin It

punldBartamaha(Muqdisho):-Gudoomiyaha Baarlamanka dowlad Goboleedka Puntland C/rashiid M.Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay u caalweysay wax ka qabashada Tahriibayaasha iyo Kooxaha Burcad Badeeda soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay ka heysato sidii wax looga qaban lahaa kooxaha Tahriibayaasha kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwa naftooda ka samray isla mar’ahaantaana aan badda laga celin Karin.

C/rashiid M.Xirsi ayaa tilmaamay in dhalinyaro ay u badanyihiin Kooxaha Tahriibayaasha ah kuwaasi oo uu sheegay in ay isugu jiraan Soomaali iyo Itoobiyaan naftooda kala cararaya dalalkooda si ay u helaan shaqooyin culus. 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale kooxaha Buracad Badeeda Soomaalida ay yihiin kuwa  markodii hore ka dhashay dhibaata ay geesteen maraakiibta shisheeyaha ah ee Kaluumaysiga aan sharciga ahayn ka wada Xeebaha Dalka Soomaaliya.

Masuulkaasi ayaa ku eedeeyay dowladaha maraakiibtooda ay joogaan Xeebaha maamulka Puntland  in aanay daacad ka ahayn wax ka qabashada xeebaha soomaaliya dhibaatooyinka ka taagan isagoo tilmaamay in maamulkooda haddii gacan la siiyo ay ku filanyihiin la dagaalanka Burcad Badeeda iyo Tahriibayaasha.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.