Bartamaha (Muqdisho):- Mudanayaasha Barlamanka ayaa maanta ka doodaya qodobo ku qoran qoraal shalay loo qeybiyay Mudanayaasha.
Qoralaada ay xildhibaanada maanta ka doodayaan ayaa waxaa shalay xildhibaanada u qeybiyay Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo qoraalka ku soo bandhigay qorshaha xukumadiisa.
Mudanayaasha ayaa waxa ay saacada ay aqrinayeen qoraalka qorshaha Xumumada Farmaajo waxa ay haatan ka doodayaan qoraalkaasi.
Sida warka nagu soo gaarayo xildhibaanada qorshaha xukumada ka doodaya ayaa waxaa maalinta berita ah ay noqon doontaa maalinta ay ansixinayaan ama ay diidayaan Xukumada la dhisay.
Madax sare oo Dowlada xilli ka dhex muuqday ayaa si cad u diiday qaab dhisimeedka Xukumada waxaana laga yaabaa in raggaasi oo haatan mudanayaal ah ay si awoodi ku dheehan tahay u diidaan Xukumada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.