Baarlamaanka Maamulka Gal-mudug oo maanta kulankoodi ugu horeeyay yeeshay kuna baaqay wada shaqeyn dhexmarta qeybaha bulshada Maamulkaas.

Posted on Sep 7 2009 - 7:28pm by News Desk
Tweet
Pin It

galmudfBartamaha(Gaal-Kacyo):-Baarlamanka Maamulka Gal-Mudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Gaal-Kacyo ayaa waxa ay ku baaqeen in la ilaaliyo nidaamka iyo wada shaqeynta Bulshada.

Kulan ugu horeeyay oo ay maanta yeesheen golaha Baarlamanka Gal-Mudug kaasi oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan bulshada Deegaanada Maamulkaasi 

Kulanka maanta ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Baarlamanka Gal-Mudug  Maxamed Xuseen Tahliil iyo madaxweyne Axmed Shariif Cali Hilowle oo dhamaantood ka wada hadlay Xaalada deegaanada ay maamulka u hayaan.

Ugu danbayntii Gudoomiyaha Barlamanka ee Maamulka Gal-mudug Maxamed Xuseen Tahliil ayaa baaq u diray qeybaha bulshada Gobolkaasi isagoo ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka islamarkaana ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.