Bartamaha (Muqdisho):- Baaritaano xoogan ayaa saaka Ciidanka Dowlada ay ka samaynayeen Xaafado ka mida Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo xalay qarax Bambaano uu ka dhacay.
Askarta Booliiska iyo kuwa Militariga ayaa saaka lagu daadiyay xaafadaha Degmada Waabari Muqdisho halkaasi oo ay guri waliba ka baarayeen Hub iyo Walxaha Qarxa oo la aaminsanyahay in degmadaasi si xoogan loo soo galinmayay dhawaanahan.
Ciidanka oo ka caraysnaa Qarax Bam oo rasaas Bistoolad ka dhacaysay la raaciyay oo Xalay fiidnimadii lagu qaaday Ciidanka Dowlada ee dagan Wadada 21-October Degmadaasi Waabari oo aad ugu dhow Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay ku raad joogeen raggii qaraxa xalay ka danbeeyay iyo Miinooyin dhawaanahan la galinayay wadooyinka Degmadaasi oo marar badan lala beegsaday Madax ka tirsan Dowlada iyo Ciidanka Dowlada intaba.
Dadka degmada ayaa waxa ay xaqiijiyeen in saaka la qabqabtay dad badan waxaana Ciidanka ay wateen gaadiidka Dagaalka iyagoo dhalinyarada si gaar ah ay u qabanayeen ka dibna u dhaadhicnayeen Xabsiyada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Wax war ah kama soo bixin saraakiisha Ammaanka Dowlada oo Howlgalka saaka si aad ah uga samaynayay xaafadaha Degmada Waabari oo ka mida dhulka la aaminsanyahay in ay ku badanyihiin Kooxdaha Mucaaradka oo si hoose dhaqdhaqaaqyo uga samaynayaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.