BAAQ ay soo jeediyeen Qurbajoogta reer Hiiraan ee Waqooyiga America

Posted on Oct 26 2009 - 10:09pm by News Desk
Tweet
Pin It

baaqKU:  Dhammaan Duubab Dhaqameedka Gobolka Hiiraan.
KU: Dhammaan Xildhibaanada Gobolka Hiiraan.
KU: Guddiga Guurtida ee Gobolka Hiiraan
KU: Golaha Aqoonyahanada Gobolka Hiiraan.
KU: Culumaa’udiinka Gobolka Hiiraan.
OG: Jaaliyadaha Dibadaha ee Reer Hiiraan.

Taariikh: Oktoobar 23, 2009

UJEEDDO: Bayaan ku saabsan dilkii loo geystay ganacsatadii Reer Beled Weyne, Gobolka Hiiraan.

Annagoo ah Jaaliyadda reer Hiiraan ee Waqooyiga Ameerika waxaan marka hore tacsi tiiraanyo badan u direynaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen saddexdii nin ee Ganacsadata ahaa oo sida xaqdarada ah ay ku dileen ciidamada Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Abdirahman Ibrahim Macow.

Marka xiga, waxaan cambaareyneynaa falkan foosha xun ee ka dhacay magaalada Beled Weyne, ee Gobolka Hiiraan. Waxaana ku adkeeyneynaa  dhammaan wax garadka gobolka in ay culeys saaraan sidoo loo soo qaban lahaa dadkii geystay dhibaatadan, ka dibna la mariyo waxa ay ka qabto shareecada islaamka.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqeeynaa dhammaan ummadda ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay iska kaashadaan sidii ay u xoojin lahaayeen xasiloonida iyo deggenaashaha gobolka oo ay ogaadaan in dantoodu ay tahay mid keli ah, taasoo ah in la helo ammaan lagu wada noolaan karo, caddaalad iyo horumar. Waxaan kula dardaarmeynaa  ummadda reer Hiiraan in ay gacan siiyaan cid kasta oo ka shaqeeynysa nabadda iyo wadajirka reer Hiiraan, Isla markaana ay ka soo horjeestaan cid kasta oo lid ku ah nabadda iyo horumarka gobolka. Annagana haddii aan nahay Jaaliyadda reer Hiiraan ee Waqooyiga Ameerika waxaan idiin caddeeyneynaa inaan mar walba barbar taagan nahay shacabka reer Hiiraan.

Mahadsaniddin,

Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Waqooyiga Ameerika