Bartamaha(Muqdisho):-Wareegta ka soo baxday Hogaanka Alshabaab ayaa maanta xilkii looga qaaday Afhayeenkii Alshabaab Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenkii Alshabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa maanta xilkii laga tuuray iyadoo loo magacaabay Sargaal Cusub oo aan magaciisa si weyn loo garanayn kaasi oo afka Ciidanka ku hadli doona.
Sheekh Cali Dheere Afhayeenkii Alshabaab oo muddo sanad ah xilkaasi haayay ayaa maanta si rasmi ah looga xayuubiyay iyadoo loo dhiibay nin la magac baxay Sheekh C/Casiis Abuu Ayuub.
Afhayeenkii hore oo saxaafada xiriir la soo sameeyay ayaa waxa uu ku dhawaaqay xilka isaga laga qaaday isagoo sheegay in Alshabaab ay maanta laga bilaabo leedahay Afhayeen Cusub oo dhanka Ciidamada iyo dagaalada dhacaa ka hadli doona.
Ninkan la magac baxay Sheekh C/Casiis Abuu Ayuub ayaanan si cad loo garanayn iyadoo lagu wado in uu ku hadlo Afka Kooxda Alshabaab waxaana xil ka qaadistaasi sameeyay Hogaamiyaha Kooxda Alshabaab Axmed Godane”Abuu Subayr”.
Alshabaab waxaa horay afhayeen ugu ahaa Sheekh Abuu Mansuur oo xilkiisa laga tuuray sanadii 2009-markii lagu Eedeeyay in uu daayay Xildhibaano ay ehel wadaag yihiin iyadoo masuulka hadda xilka laga qaaday aan la ogayn sababta dhabta ah ee xilkiisa uu u waayay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya.