Axmed Godane iyo Saraakiil Caan ah oo diyaarad ku duqeeysay Magaalada Marka.

Posted on Sep 26 2010 - 2:07pm by News Desk
Tweet
Pin It

shabaabka nin hagayaBartamaha (Muqdisho):- Sida Warar xaqiiqda u dhow ay sheegayaan waxaa la duqeeyay guri ay ku shirayeen Saraakiisha Alshabaab kaasi oo ku yaalay Magaalada Marka Ee Gobolka Sh/Hoose.

Sida wararkeenii maanta aad kala socoteen www.Bartamaha.Com waxaa Magaalada Marka naga soo gaarayay aroornimadii saaka in shir lagu heshiisiinayo Saraakiisha Alshabaab uu ka dhacayo Magaalada Marka waxaana shirkaasi oo furmay duqeyn u gaystay Diyaarad nuuca dagaalka ah.

Diyaarad Nuuca Helicopter ayaa bam garaysay guri ay ku shirayeen Saraakiisha Maleeshiyada Alshabaab sida dad goob joogayaal Magaalada Marka xiriir kala soo sameeyay www.Bartamaha.Com ay noo xaqiijinayaan.

Saaka ayaa magaalada gudaheeda waxaa lagu arkayay gaadiid dagaal oo aad u fara badan kuwaasi oo ka kala yimid Howdka Jubooyinka iyo Magaalada Muqdisho iyadoo warar si gaar ah noo soo gaaray ay sheegayaan in uu la socanayay Maxamed Cabdi Godane ama Abuu -Zubayr sida loogu yeero.

Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa socdaalka ku wehlinayay sid la hadal haayay Fu’aad Maxamed Shangole iyo Sheekh Afgaani iyadoo lala heshiisiinayay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ABuu-Mansuur iyo Xasan Turki oo si gaar ah ula dagaalsanaa Axmed Godane.

Lama oga illaa hadda in duqeynta diyaarada ay ku dhinteen Saraakiisha la aaminsanyahay in la beegsaday maadaama saaka ay gaareen Magaalada Marka Ee Gobolka Sh.Hoose halkaasi oo ay ku shirayeen.

Ragga illaa hadda la hubo in ay joogaan Magaalada Marka islamarkaana la aaminsanyahay in maanta diyaarada ay duqeytsay ayaa waxaa ka mida:-

Axmed Cabdi Godane “Abuu Zubayr”

Fu’aad Maxamed Khalaf “Shangole”

Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamc “Afgaani” ku xigeenka Godane

Abuu Mansuur iyo Xasan Turki oo shirka laga sugayay si loola kulansiiyo madaxdooda.

Wixii war ah ee ku soo kordha www.Bartamaha.com ayaa isha ku haysa waana idiin soo gudbin doonaa Insha allaah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]