Bartamaha (Nairobi):- Hogaanka Kooxda Alshabaab ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxyadii ay ka fuliyeen Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.
Ninka hogaanka ka ah Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo la baxay Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubayr ayaa waxa uu ka hadlay qaabkii ay u fuliyeen qaraxyadii shacabka lagu laayay ee ka dhacay Kampala.
Godane oo Cajalad daqiiqado socanaysay soo duubay ayaa waxa uu Hambalyo u jeedinayay koox uu ku tilmaamay magacooda “Guutada Shahiid Saalax Nabhan “ oo uu sheegay in ay yihiin Alshabaab iyo Alqaacida.
Axmed Cabdi Godane “Abuu-Zubar†Hogaanka aan la arkin ee Alshabaab ayaa cajalkan duubay sida laga dareemayay xiligii qaraxa dhacay wax yar ka dib.
Amiirka waxa uu fariin u diray Dowlada Ugandha oo uu sheegay in ay qaraxyada ku sii wadayaan isagoo sidoo kale xusay in qaraxyada ay ahaayeen aar gudasho.
“Guutada Saalax Nabhan ayaa qaraxaasi fulisay Allana waa ku cadaabay gacantooda dad badan …..guulaysta ayaan leenahay Allana ha idin abaal mariyo…..†ayuu cajalada ku soo duubay Abuu-Zubayr.
Hadalka Amiirka Alshabaab Ina Godane ayaa imaanaysa xilli shacab badan oo soomaaliyeed ay saamayn ku yeelatay qaraxyadii ay fuliyeen shabaabka iyo Al-Qaacida.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.