Bartamaha (Nairobi):- Dr.Sule Yakubu oo ah hogaamiyaha Directorate of Technical Cooperation ayaa shaaciyay in 250,000 (Laba boqol iyo konton kun) oo caruur ah ay dhaleen askartii Nigerianka ee ka qeyb qaatay nabad ilaalinta ECOMOG ee Liberia.
Nigeria ayaa ugu badnayd  ciidamada nadab ilaalinta ee la geeyey liberia sanadkii 1990 ayuu yidhi Dr. Yakubusi.
Dr. Yakubu, oo la hadlayay Gudiga Abike Dabiri-Erewa-led Committee on Diaspora ayaa shirka ka sheegay in ciyaalkan intooda badani ayanan garaneynin aabayashood, halka hoyooyinkna raadiyeen askartaasi intooda badanina ay u guureen gudaha dalka Nigeria.
Warkaan hada soo ifbaxay ayaanan la garaneynin sida ay Soomalida u arki doonaan, iyadoo hada la saxiixay in cutubyo cusub oo askar African ah loo soo diri doono dalka Somalia. Dawlada tabarta daran ee Somalia ayaa soo dhaweysay go’aankan, halka xoogaga mucaaradkuna ay si cad uga hormaadeen.
Si kastaba ha ahatee, go’aan ka soo baxay shirkaas ayaa sheegaya in ay gudigu booqosho ku tagayaan dalka Liberia si ay xaalada caruurtaas u soo ogaadaan.
Xirsi Faarax, West Africa Office
waxaan ay soomaali ka dagaalamayso soo waxaas iyo wax la mid ah ma ahan.
jama sxb maad fahmin taasi waxaa lagu baajin karaa oo keliya
alshabaab oo wixii ajnebi ahna wadanka ka saarta intooda kalena ay
dadkooda dhinaca ka raacaan