Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo Hubaysan ayaa Xalay toogasho u geystay Askari caan ka ahaa Woqooyiga Muqdisho kaasi oo ka tirsanaa Maleeshiyada Xizbul Islaam.
Ninka la dilay ayaa saaka maydkiisa laga helay agagaarka Hotelka Kaah Degmada Yaaqshiid Muqdisho halkaasi oo dablay ay wada socdeen ku dileen goobtanba kaga tageen.
Askariga ayaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Ilka-Case kaasi oo ka tirsanaa Maleeshiyada Xizbul Islaam iyadoo Xalay illaa saaka uu yaalay maydkiisa afaafka hore ee Hotelka Kaah.
Ma jiro wax war ah oo laga haayo qaabkii loo dilay askarigaasi iyadoo Maydkiisa uu saaka yaalay goobtii lagu dilay iyadoo aanay jirin wax war ah oo laga helay Kooxda Xizbul Islaam.
Dhawaanahan ayaa waxaa soo kordhayay dilalka qarsoodiga ah wallow aan la garan u jeedada ka danbaysa dilka Ninka Xizbul Islaam ka tirsan oo maydkiisana aan la qaadin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.