Bartamaha (Muqdisho):- Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada ayaa dil bareer ah u gaystay mid ka mida Gudoomiye ku xigeenada Degmada Boondheere Ee Magaalada Muqdisho.
Askari ka tirsan Cidianka Dowlada ayaa dilay Gudoomiye ku xigeenkii Labaad ee Arimaha bulshada ee degmada Boondheere Xasan Kulmiye Calasoow kaasi oo ku sugnaa xaafad ka mida Degmada uu masuuliyada ka hayo Ee Boondheere.
Gudoomiye xigeenka 2-aad ayaa u dhintay rasaas bareer ah oo uu ku furay askari ka mid ah Ciidanka Dowlada KMG ah kaasi oo la sheegay in khilaaf afka ku koobnaa uu dhex maray ka hor inta aanu askariga dilin masuulka dhintay.
Masuuliyiinta maamulka Degmada Boondheere ayaa dhammaan ka wada gaabsaday ka hadalka dilka masuulkaasi wallow ay cadeeyeen in uu dhintay Gudoomiye xigeenkii 3-aad ee Mamulka Degmada Boondheere.
Dilka masuulkan ayaa qeyb ka ah Maamul la’aanta Cidianka Dowlada oo xilli walba dilal ka haysta Magaalada Muqdisho iyadoo mararka qaar ay dilaan rag madax ah ama Taliyayaashooda Ciidamada ah taasi oo aanay cidi xukun ku ridin askarigii falkaasi oo kale ku dhaqaaqa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika