Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada oo galabta laba qof ku dilay Isgoyska Km.5 Ee Muqdisho.

Posted on Oct 1 2009 - 5:25pm by News Desk
Tweet
Pin It

DSC06860

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bartamaha(Muqdisho):-Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa galabta laba ruux si ula kac ah ugu toogtay Bartamaha Isgoyska KM-5 Ee Muqdisho.

Wararka aynu ka helay KM.5 ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidamada Dowlada uu maanta laba dhalinyara ah ku toogtay isgoyska Zoobe Ee Muqdisho halkaasi oo la xaqiijiyay in uu gaari kala dagay.

Askariga Dowlada ayaa la sheegay in uu raga uu gaariga kala dagay islamarkaana uu dilay uu ku sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro la shaqeysa Koxda Alshabaab sidaasina uu u dilay.

Mid ka mid ah dadkii dhacadaadaasi goobjooga u ahaa ayaa u sheegay www.Bartamaha.Com in dhalinyarada la dilay ay saarnaayeen gaari BL-ah ka dibna uu istaagay Isgoyska Zoobe sidaasina uu gaariga ugala soo dagay Askariga Dowlada ka tirsan oo rasaas uu ku shanaqay labadii wiil.

In mudda ah ka dib ayaa la sheegay in wiilashaasi ay qaateen Arday iyo Macalimiin ay xiligaasi ka soo tageen Dugsi ku yaalay KM.4 Ee Muqdisho oo la sheegay in wiilashaasi ay dhiganayeen.

Dilka Dhalinyarada looga shakiyo in ay ka mid yihiin Islaamiyiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay joogta ka noqday Magaalada Muqdisho taasi oo ay dheertay Dil iyo Gowrac ka sii ifbaxay Xaafada Suuq Bacaad Ee Degmada Yaaqshiid.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.