Bartamaha (Afgooye) Maamulka Xizbul Islaam Degmada Afgooye ayaa maanta toogasho ku dilay Askari dhawaan dilay nin dhaqtar ah kaasi oo maanta fagaara la keenay.
Saraakiisha Xizbul Islaam Afgooye ayaa waxa ay maanta meel fagaara ah keeneen nin dhawaan dhaqtar ku dilay Afgooye kaasi oo xukun Qisaas ah lagu filiyay ka dib dalab ka yimid ehelada dhaqtarka la dilay.
Askariga dhawaan dika gaystay ayaa waxaa lagu magacaabayay C/qaadir Maxamed Cabdi kaasi oo maanta bulshada horteeda lagu dilay ka dib markii ay ku cadaatay dilka Dr. Cusmaan Macalin Axmed “Bidaarey†oo afgooye todobaadkii hore askarigaasi uu ku dilay.
Saraakiisha Xizbul Islaam oo fagaaraha ka hadashay ayaa waxa ay sheegeen in ay been abuur ahayd in Askariga uu baxsaday balse ay iyagu Xabsi ku hayeen maantana ay qisaaseen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.