Bartamaha (Kampala):- Wiil Soomaali ah ayaa sanadan Darajada Master ka qaatay Jaamacada Makarere University Ee Dalka Ugandha oo ah Jaamacada ugu faca weyn qaarada Afrika.
Waxaa sanadan ka qalin jabiyay jaamacada Makerere ee dalka Ugandha ardaygii ugu horeeyay ee Jaamacada Muqdisho ka soo baxay islamarkaana ka qaata jaamacadan Master of Arts in Economic Policy and Planning .
Makerere oo ah jamaacada ugu faraca dheer Africa ayaa waxaa sanadan ka baxay 14,000 oo ka soo kala jeeda wadamada Afrika waxaana ku jira arday soomaali ah oo lagu magacaabo Mr. Ahmed Abdikadir Ahmed “Arbaceeste”.
Ardaygan lagu magacaabo Ahmed Abdikadir Ahmed”Arbaceeste” ayaa waxa uu wax ku soo bartay magaalada Muqdisho waxaana uu jaamacada Mudqisho soo dhameeyay sanadii 2006 isaga oo hada ka qaatay darakada Master jaamacadan Makerere.
Jaamacadda Makerere University waxa la asaasay 1922-kii ee qarniga la soo dhaafay waana qalinjibintii 61-aad ee loo qabto ardayda ka qalin jibinaysa JamacadaasI waxaana darajada Master ka qaatay ardaygii ugu horeeyay Ee Soomaali ah oo Muqdisho jaamacad ka soo dhigtay balse hada darajada Master halkan ka qaata.
Ardaygan sanadan ka qalinjabiyay Jaamacadan Makerere ayaa waxaa Hambalyadaada iyo Xiriirkaaga ugu gudbin kartaa sidan:-
Ahmed Abdikadir Ahmed
M.A. ECONOMIC POLICY AND PLANNING (MAKARERE UNIVERSITY)- KAMPALA, UGANDA
TEL: +254701105615/ 256792055802
EMAILS:
Daawo sawirada:-