Bartamaha (Islamad:-) Waxa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah magaalada Islamabad ee xarunta wadanka Pakistan. Munaasibadaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa soo qabanqaabiyay ururka guud ee ardayda somaliyeed oo magaciisa loo soo gaabiyo {UGAS}.
Xafaldan oo ahayd xaflad nooceeda ah tii ugu horaysay ee ka dhacda dalka Pakistan taas oo abaalmarino lagu gudoonsiiyey ardayda soomaaliyeed ee kaalmaha hore kaga jira kuliyadaha ay dhigtaan ee jaamacada ( International Islamic University). Ardaydaas oo tiradoodu dhanayd 6 arday, iyo 3 arday oo kale oo iyana ku guulaystay tartan suugaaneed ururku u qabtay ardayda . Xafaladan oo si heer sare ah u dhacday waxa ka soo qaybgalay, araday farabadan iyo culumaa’udiinka somaaliyeed ee aadka looga qadariyo wadanakan Pakistan..
Xafaladaas waxa ugu horayntii ka hadlay sheikh cabdirisahsiid caydiid oo ah sheekh somaaliyeed oo si wayn looga qadariyo bulshada somaliyeed. Sheekhu waxa uu si aad ah ugu hadlay waxtarka tacliintu u leedahay insaanka iyo heerarka ay soomartay . waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in wax akhriska oo la joogteeyo uu yahay wadada kaliya ee ardaygu ku gaari karto hadafkooda wax barasho .
Waxa kale oo halkaas ka soo jeeday gabay khuseeya wax barashada Maxamed Nuur Maxamed, oo uu curintiisa isagu lahaa. Waxa gabaygaas oo aad loola dhacay sacab badana loo tumay uu ku guubaabinayey ardayda inay gacmahooda ku jirto inay heer gaaraan .
Kadib waxa halkaas kahadlay gudoomiyaha wax barashada, sheikh Ismaaciil Adam Ismaaciil, oo ahaa soo agaasimihii xaflada. Waxana uu gudoonsiiyay abaal marino ardaydii ku guulaysatay.
Liiska ardayda abaalmarinta lasiiyay waxay kula qornaayee sedan
Magacyada ardayda kaalmaha hore ku jirta iyo kuliyadaha ay dhigtaan:
1- Abdifatah H. Da’ud Warsame: PSYCHOLOGY
2- Abdinur Mohamed Ahmed: MEDIA and COMMUNICATION STUDIES
3- Ahmed Rage Ebar. EDUCATION
4- Mohamed Ahmed Mohamud. USULUDDIN
5- Mahad Salad Mohamud. SHARI’AH and LAW
6- Mohamed said. ENVIRONMENTAL SCIENCE
Magacyada ardayda ku guulaysatay tartan suugaaneedkii iyo sidii ay ukala horeeyeen waa sedan:
1-Abdirizak Hassan Sugule .
2- Abulqaadir M. Adam .
3- Anab Sheikh Mohamoud .
Waxa kalmado kooban halkaa ka soo jeediyey Cabdifataax Xaji Daa’uud Warsame oo ku hadlayey afka ardayda abaal marinata heshay. Ugu horayn waxa uu mahad balaaran u soo jeediyey, gudiga ururka UGAS oo ugana mahad celiyey hawsha ay qabteen iyo dadaalka ay u galeen inay dhiiri galiyaan ardayda. Isagoo hadalkisa sii wata waxa uu ardada ku booriyey inay wax barashadu ku xirnayn maskax badni loo dhasho, laakin ay tahay mid dadaal iyo karti faradabadan u baahan.
Ugu danbayntii waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha ururka UGAS, Mr Cabdi Ahmed Digaale. Gudoomiyuhu waxa ugu horayn mahad balaaran u jeediyey dhamaan marti sharafta kala duwan ee ka soo qayb gashay xafaladaas, si gaar ahna waxa uu ugu hambalyeeyey ardaydii ku guulaystatay abaal marinadada. Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in hawsha tani tahay tii ugu horaysay bal se aanay ahayn tii ugu danbaysay. Waxa kale oo gudoomiyuhu, ardayda u sheegay in dhawaan la furi doono maktabad ay ardayda somliyeed ku daraasayn doonaan culuumta kala dawan, ayna noqon doonto tii ugu horaysay ee ururku ka hir galiyo Pakistan. Waxana hadalkiisii ku soo gaba babeeyey in midnimo iyo iskuduubni lagaga gudbi karo marxaladaha adag ee ardayda soo wajaha .
Qore: C/Laahi H. Daud Warsame
Islamabad/ Pakistan
Sawiro dheeraad ah halkan ka daawo.