Ammaanka Magaalada Kampala oo la adkeeyay iyo Xaafado Booliiska lagu daadiyay.

Posted on Oct 26 2009 - 8:45am by News Desk
Tweet
Pin It
« PREVIOUS
|

police station,Bartamaha(Kampala):-Ammaanka qeybo ka mida Magaalada Kampala Ee Dalka Ugandha ayaa la adkeeyay ka dib markii Ciidamo xoogan lagu soo daadiyay Xaafado Magaalada ka mida.

Wararka aynu ka helayno Magaalada Kampala Ee Dalka Ugandha ayaa xaqiijinaya in Ciidamo Booliisk ah lagu soo daadiyay wadooyinka Xaafadaha ay ku badanyihiin Soomaalida ee dalkaasi.

Xaafada Kisliyaa ayaa waxaa la dhigay garaawida Booliiska iyo Ciidamo xoogan ka dib markii cabsi laga muujiyay hadal dhawaan ka soo baxay Kooxda Alshabaab Soomaaliya oo weeraro ka samayn karta Dalkaasi.

Xaafadaha Booliiska la dhigaya ayaa waxaa la sheegayaa in ay si gaar ah ula socanayaan dhaqdhaqaaqa dhalinyarada Soomaalida ee Magaaladaasi dagan oo laga filan karo weeraro.

Lama cadeyn Ujeedada ka danbeysa Howlgalka ammaanka lagu adkeeyay marka laga reebo Qatar laga filan karo Kooxda Alshabaab oo Muqdisho hanjabaad dhawaan ka jeedisay ka dib duqeyn Bakaaraha lkoo geystay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.