Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Ciidanka Amisom ayaa shaaca ka qaaday in aanay howlgalkooda u joojin doonin Taangi uga gubta Dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Bridge Bhuko Afhayeenka Amisom oo saxaafada kula hadlayay Muqdisho ayaa waxa uu daaha ka qaaday in aanay joojin doonin Howlgalada ay ku sifaynayaan Maleeshiyaadka dowlad diidka ah.
“Taangi la gubo iyo Askar la dilo u joojin mayno Howlgalkeena waana ka sifaynaynaa shabaabka dalka oo dhan illaa dowaladan ay cagaheeda uga istaagtana shaqada waan wadaynaa…” ayuu yiri Afhayeenka Amisom Bhuko.
Hadalka Bhuko ayaa waxa uu yimid saacada ka dib markii dagaalkii ka dhacay Muqdisho looga gubay mid ka mida Taangiyadooda iyo gaari nuuca dagaalka ah oo ay kula dagaalameen Alshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya.