Amiirka Xarakada Alshabaab oo fariin digniin ah u diray Somaliland kuna baaqay in dagaalada laga sii wado qeybaha kale ee Dalka.

Posted on Sep 3 2009 - 8:12am by News Desk
Tweet
Pin It

alshabab_astantaBartamaha (Muqdisho):-Amiirka Kooxda Alshabaab oo soo diyaariyay fariin maqal ahayd ayaa waxa uu dugnii culus ugu jeediyay Maamulka la magac baxay Somaliland isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo dagaalada.

Sheekh Mukhtaar C/raxmaan( Abuu-Zubayr) ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay dhibaato ku hayaan dhalinyarada islamarkaana ay u gacan galinayaan Dowlada Itoobiya.

Sheekh Abuu-Zubayr oo ah amiirka Guud Ee Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay beegsan doonaan dhammaan shaqsiyaadka Itoobiyaanka ah eek u sugan maamulkaasi.

Amiirka ayaa uga digay shacabka ku dhaqan Magaalooyinka Somaliland in ay ka kireeyaan guryahooda ganacsatada iyo shaqsiyaadka ka soo jeeeda Itoobiya.

Abuu-Zubayr ayaa ugu baaqay  Xoogaga Islaamiga ah in ay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan waxa uu ugu yeerayt Cadowga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay itoobiya iyo Amisom .

Wadaadka ugu sareeya Kooxda Alshabaab ayaa ku hanjabay in ay wadayaan Dagaalada ka dhanka ah Ciidamada Shisheeyaha ah Ee Dalka ku sugan isagoo baaq digniin ahna si gaar ah ugu diray shacabka iyo maamulka Somaliland.

Xafiiska Bartamaha Warar Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.