Amiirka Alshabaab oo ugu baaqay Ciidamada Dowlada in muddo 5-maalmood ah isku soo dhiibaan hubkana soo wareejiyaan isgoo sheegay in madaxda dowladana la maxkamadeeynayo.

Posted on Jul 6 2009 - 6:33am by News Desk
Tweet
Pin It

abuu zubayrBartamaha(Muqdisho):-Amiirka Xarakada Alshabaab oo fariin maqal ah soo gaarsiiyay warbaahinta ayaa waxa uu si weyn uga hadlay dagaalada ka socda dalka soomaaliya isagoo ciidamada dowlada ugu baaqay in muddo 5-maalmood ah isku soo dhiibaan madaxda dowladana ay u diyaargarobaan maxkamad la soo taago maadaama ay dhibaata dalka ka geesteen.

Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubayr oo ah madaxa kooxda Islaamiga ah Ee Alshabaab ayaa si weyn ugu dheeraaday dagaalada caalamka ka socda kuwaasi oo uu soo qaatay Wadamada Afgaanistan,Pakistan,Ciraaq iyo Somalia oo uu dhamman sheegay in ay ka mideysan yihiin fulinta amarka Alle oo ay wadamada gaaladana ka soo horjeedaan sida uu sheegay.

Hogaanka Alshabaab ayaa fariintiisa ku sheegay in dhammaan Ciidamada dowlada ay fursad u haystaan in muddo 5-maalmood ah ay ku soo wareejiyaan hubkooda isla mar’ahaantaana ay isku soo dhiibaan kooxaha Mujaahidiinta sida uu sheegay maadaama ay ciidamadaasi yihiin kuwa haatan u adeegaya danaha Ciidamada shisheeyaha ah ee ku sugan Muqdisho.,

Sheekh Abuu-Zubayr ayaa wacad ku maray in ay jabi doonaan Ciidamada shisheeyaha ah ee ku sugan Muqdisho gaar ahaan kuwa AMISOM oo uu ku tilmaamay kuwa fuleya ah oo aan u adkeysan karin rasaasta Illaah barakeeyay Ee Mujaahidinta sida uu sheegay Masuulkaasi ugu sareeya Alshabaab.

“Ciidamada dowlada waxaan siinay muddo 5-maalmood ah in ay isku soo dhiibaan maadaama haatan ay ku sii fashilmayaan u adeegida gaalada Somalia joogta hadda waa in ay fursadaasi ilaaliyaan iskuna soo dhiibaan Mujaahidiinta,Wax cafis ah oo lo fidinayo Madaxda dowlada ridada ma jiro dhammaantood waxaa laga jaasinayaa ficiladii ay bulshada kula dhaqaaqeen in halaagii umadda ay u geysteen”ayuu yiri Mukhtaar Abuu-Zubayr.

Fariintan uu soo diray Hoggaanka ururka Alshabaab ayaa wax a ay imaanaysaa xilli ciidamada dowlada ay ku sii muuqanayaso daciifnimada xagga awoodda ah ee la soo derestay isla mar’ahaantaana ay ku sii siqayaan kooxaha Islaamiyiinta ah xarunta madaxtooyada Villa Somalia oo ay kaga dhawaadeen ilaa Saddex jiho taasi oo muujninaysa awooda Ciidamada ee la wiiqay xiligan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.