Amiir Xigeenka Alshabaab Abuu-Mansuur oo gaaray Magaalada Kismaayo iyo Xalay oo Ammaanka la adkeeyay.

Posted on Oct 26 2009 - 9:14am by News Desk
Tweet
Pin It

mansBartamaha(Kismaayo):-Amiir Xigeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur iyo Saraakiil la socotay ayaa xalay gaartay Magaalada Kismaayo.

Warar lagu kalsoonyahaya oo soo gaaray Xafiiska Warqabadka www.Bartamaha.Com ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay Magaalada Kismaayo uu gaaray ammiir xigeenka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Munsuur iyo Saraakiil la socotay.

Ammaanka Magaalada ayaa xalay aad lo adkeeyay iyadoo Ciidamada Alshabaab Kismaayo ay wadooyinka howlgalo ugu dhaqaaqeen kuwaasi oo dhammaan Xaafadaha Magaalada bandow aan muuqan ay saareen.

Abuu-Mansuur ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeesho Madaxda Alshabaab Kismaayo isagoo iskiis ugu istaagay xalinta Khilaafka dagaalka sababay ee ka dhex aloolsan Alshabaab Kismaayo iyo Xizbul Islaam.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur ayaa safarkiisa Kismaayo waxaa ku wehliyay sarakiil sare oo Xarakada ALshabaab ka mida kuwaasi oo doonayay in xal laga gaaro dagalada.

Ma jiro wax war ah oo Alshabaab Kismaayo ka soo baxay mark alga reebo ammaankii xalay la adkeyay oo ay sheegeen in lagu sugayay ammaanka dadna lagu soo qabtay.

Masuulka Sare ee Alshabaab oo gaaray Kismaayo ayaa la sheegayaa in uu kulamo la leeyahay Madxda Wliyaada Jubooyinka si Xiisada loo qaboojiyo dagaalkana xal looga garo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.