Alshabaab “Waalidiinta iyo Caruurta Jihaadka ha isku qoreen….”.

Posted on Jul 24 2010 - 3:02pm by News Desk
Tweet
Pin It

APTOPIX SOMALIA FIGHTINGBartamaha (Marka ):- Alshabaab Gobolka Sh/Hoose ayaa amar ku siisay dadka dagan Gobolkaasi in ay iska diiwaan galiyaan Goobaha Jihaadka.

Gudoomiyaha Al Shabaab  Sh/hoose Sheekh Maxamed Cabdala oo maanta hadal u marsiinayay Idaacadaha dadka dagan Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa uu amray in ay iska soo diiwaan galiyaan Aabayaasha iyo Caruurtooda deegaanada lagu qorayo shaqsiyaadka Jihaadka doonaya.

“Waalidiinta iyo Caruurta Jihaadka ha isku qoreen.. waxaan leenahay Abayaasha iyo Caroortooda ha iska diiwaan galiyeen Jihaadka …. mana ku eeganayno Sh.Hoose qof aan u diyaarsanayn Jihaadka…” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sargaalkaasi.

Amarka shabaabka ka soo baxay ayaa waxa uu u muuqanayay mid lagu doonayo dhalinyaro lagu sii horiyo Dhiiga daadanaya iyo dagaalka mudada badan qaatay oo ay ku la’daan Caruurta loo jeediyay ka qeybgalka dagaalka ay shabaabka ugu yeeraan Jihaadka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.