Bartamaha(Raaga-Ceele):-Dagaal u dhexeeyay Kooxaha Alshabaab iyo Ahlu sunnah ayaa Xalay ka dhacay Deegaanka Raagaceele oo ka mida Gobolka Sh.Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Koox ka mida Ahlu sunnah Wal Jamaaca ay weerar ku soo qaaday Ciidamada Alshabaab oo daganaa Deegaanka Raagaceele.
Weerarka Xalay dhacay ayaa waxa uu ahaa mid lama Filaan ah kaasi oo sababay in Ciidamada Alshabaab laga saaro deegaankaasi oo hub iyo rasaas badan laga furto saldhiga ay ka daganaayeen Raagaceele.
Ahlu sunnah ayaa waxa ay saaka isaga bexeen Deegaanka ay ka qabsadeen Alshabaab Ee Raagaceele iyagoo dadka deegaanka u sheegay in weerarada ay sii wadayaan.
Weerarka Xalay dhacay ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay 3-Askari oo Alshabaab ka mida 3-askari oo kalana ay ku dhaawacmeen oo labada dhinac ka kala tirsan sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Weerarka Xalay ka dhacay deegaanka Raagaceele ayaa imaanaya xilli Deegaanada Gobolka Sh.Dhexe ay ku xooganyihiin Alshabaab waxaanan la garanayn sida ay ku soo qaadeen weerarka Ciidamada Kooxda Ahlu sunnah oo aan deegaan iyo Saldhig ku lahayn Sh.Dhexe.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.