Bartamaha (Gedo):- Alshabaab Gobolka Gedo ayaa qabqabtay dad lagu Eedeeyay ka ganacsiga Maandooriyayaasha kuwaasi oo xukuno la yaab leh la dul dhigay qaarkood.
Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay saacadihii ugu danbeeyay Howlgal ka samaysay Deegaanka Ceelcilaaan ee hoostaga Magaalada Bardheere halkaasi oo ay ka soo qabqabteen dad ka ganacsanayay Maandooriyaha.
Howlgalka ay shabaabka sameeyeen ayaa waxa ay ku soo qabteen dhalinyaro iyo Odayaal beeralay ah oo abuurayay Mandooyiyayaasha sida Xashiishka iyo Tubaakada oo alshabaab ay xilli hore xaaraan ka dhigeen.
Dadka la soo qabtay aya waxaa qarkood la dul dhigay xukun la yaab leh waxaana ka mid ahaa nin lagu xukumay in uu Jilbihiisa ku soo socodo muddo saacada ah wadada u dhexeysa Deegaanka Ceelcilaaan illaa gudaha Baardheere.
Sidoo kale waxa ay shabaabka ku xukumeen nin kale in uu u soo qaado dhowr qore oo ay askarta wateen iyagoo ilaala ka hayay xiligaasi uu hubka u soo qaadayay halka nin waayel ahaana ay ku xukumeen in uu cagahiisa soo maalo markii ay u soo kexeynayeen Baardheere.
Ma aha markii ugu horaysay oo xukunada sidan la yaabka u leh ay shabaabka ku ridaan dadka ay qabtaan waxaana horay loo xasuustaa in xukuno xanuun badan oo qof la gowraca oo kale uu ku jiro ay ugu xukumeen dad badan oo shacab ah iyo qaar lagu Eedeeyay u shaqeynta Dowlada.
Xafiisak www.Bartamaha.Com Ee Bariga AFrika