Bartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa hanjabaad muuqata u jeedisay warbaahinta gudaha dalka Soomaaliya oo ay u kala saartay laba garab.
Cali Dheere Afhayeenka Maleeshiyada Shabaab ayaa hanjabaad muuqata u jeediyay Warbaahinta gudaha oo uu ku kala sifeeyay Gaalo iyo Muslimiin sida uu hadal uu maanta jeediyay ku sheegay afhayeenka Kooxda Alshabaab.
Cali dheere waxa uu daaha ka rogay in ay jiraan wariyayaal u bareeray u shaqeynta wax uu isaga ugu yeeray “Cadowga Ilaahay” oo uu kaga sii jeeday Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya waxaana uu ku tilmaamay wariyayaashaasi kuwa aan diinta sal ku lahayn.
Sidoo kale waxa uu wariyayaasha qaar ku tilmaamay kuwa Shareecada Difaacaya oo u qalab qaatay difaaca waxa uu u yaqanao Jihaadka oo uu kaga jeeday dagaalada ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya oo dad fara badan ay ku dhamaadeen.
Wariyayaasha uu ku tilaamay kuwa difaacaya diinta ayaa waxaa uu si toos ah farta ugu fiiqay qaarka la shaqeeya warbaahinta ay alshabaab maamusho oo ay ka howl galaan wariyayaal shabaab noqday oo dilay dhowr wariye oo muhiim ah qaar kalana dalka ka barakiciyay.
Kala saarida wariyayaasha dalka iyo hanjabaada dadkab ee Alshabaab ayaa waxa ay qeyb ka tahay xad gudub ay fure u tahay Alshabaab oo wariyayaasha dalka soomaaliya ka shaqeeya lagula dhaqaaqay iyadoo tacadiyo badan loo gaystay wariyayaasha.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.