Alshabaab oo TV Afkooda ku hadlaya hawada soo galisay

Posted on Feb 1 2011 - 1:38pm by News Desk
Tweet
Pin It

Islamic-TVBartamaha (Muqdisho):- Kooxda Alshabaab ayaa markii ugu horaysay Hawada soo galisay TV ku shaqeynaya Magaca Kooxdaasi Alshabaab.

Dadka reer Muqdisho ayaa Xalay markii ugu horeysay daawatay TV ku hadlaya codka Kooxda Alshabaab ee dalka Soomaaliya oo ku caan ahayd Idaacado afkooda ku hadlaya oo dhawaanahan ay toos uga hir galiyeen guud ahaan Dalka deegaanada ay ka haystaan.

Telfishinka Xalay Hawada soo galay ayaa waxaa laga arkayay Wariyayaal magaca Alshabaab ku shaqeynayay mudooyinkan kuwaasi oo barnaamijyo tijaaba ah Xalay toos u tabinayay sida Barjaamij ka sheekaynaya dagaalada ay kooxda ugu yeerto Jihaadka.

Wariyayaasha TV-ga ka hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa Jibriil Nuur Yuusuf iyo Maxamed Al-faatix oo aan muuqaal ahaan loo arkayn balse codkooda toos looga maqlayay Telfishinka loogu magac daray “AL-KATAA’IB” oo hore Alshabaab ay Website ahaan magacaasi u haysan jirtay.

Lama garanayo qaabka ay wariyayaashan u shaqeyn doonaan ee ay uga hadlayaan Telfishinkan loogu magac daray Al-Kataa’ib oo hawada Muqdisho uun haatan laga daawanayo wallow aanan la garanayn in ay gaarsiin doonaan deegaanada kale ee Gobolkaasi.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]