Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in looga gacan haatinayo Magaalooytinka Boosaaso iyo Hargaysa si ay uga dagaal galaan dhulkaasi.
Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba-ku dukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab Galgaduud ayaa daaha ka qaaday in looga yeerayo magaalooyinka Boosaaso iyo Hargaysa oo ay dadka dagan shareecada u bahanyihiin sida uu sheegay.
Sargaalkaasi ayaa sheegay in Xarakada Alshabaab ay dhawaan ku fekerayso in ay gaarto dhulka looga baahanyahay shareecada Islaamka oo uu sheegay in ay yihiin Puntland iyo Somaliland oo bulshada ay diidanyihiin maamulada haysta .
Sargaalkaasi waxa uu carabka ku adkeeyay in aanay u sii dulqaadan karin in Ethiopia ay sii maamulato Deegaanadaasi oo uu sheegay in shacabka dagan ay dhibsanayaan maamulka haatan ka jira sida uu hadalkiisa u dhigay.
Sheekh Kaba -ku- dukade ayaa wacad ku maray in maamulkooda ay gaarsiinayaan dhammaan Soomaaliya oo uu sheegay in aanay hubka dhigi doonin illaa Shareecada islaamka looga dhaqmo sida uu saxaafada u sheegay isagoo ku sugan Degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduud oo dhawaan uu qabsaday.
Hadalka Sargaalkan ayaa imaanaya xilli Maamulada Puntland iyo Somaliland ay baqdin ka qabaan in dhulkooda ay dhibaatooyin ka abuuraan kooxo ay uga shakisanyihiin in ay xiriir la leeyihiin shabaab waxaana marar badan dilal iyo qaraxyo ay ka dheceen Puntland oo lala xiriirinayo in shabaabka ay masuul ka ahaayeen.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.com
Muqdisho-Somalia
Kabakutukade hadii uu masaga waa kadagaalamay oo hada xaradheere uu hadal buunbuunin kujirto xayaysiis loogusameeyay hadiiba mawaxaa uu kuriyooday Boosaaso
Hargaysa halkaasiwaa dul waynoo aad wada udheer weeye dad ka joogaana diintoodii oo kaamilah bay haystaan waxana kufilanyihiin danahooda oodhan Baahi kaba kutukadana mahayso,sharna allaah baykamagan galeen kabakutukadana waa gafay oo halkaas axmaaro ma maamusho eedad dawlado iyo dad danohooda oo dhan kufilanbaajooga waxay ilatahay hadalka kabakutukade waxaa uu isoo xusuusiyay maahmaahdii ahayd habar fadhiidaa lagdan umuuqdaa zsharwade hadii aadan ahaayn beelonabada iyo dawlado guun ah kuma aflagaadhooteen